Home Wararka Maanta Alshabaab oo Sabab layaab leh u Afduubtay Qoysas Fara adan

Alshabaab oo Sabab layaab leh u Afduubtay Qoysas Fara adan

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u jeedisay kooxda Al-Shabaab, kadib markii laga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la’isku yiraahdo HirShabelle.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ay si bareer ah guryahooda uga barakaciyeen dadka rayidka ee ku dhaqan deegaanada iyo magaalooyinka laga qabsaday.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay horey u afduubteen qoysas badan, ayaga oo sababta ku sheegay in ay carruurtooda ku biiraan dagaalka, gaar ahaan ciidanka Macawiisleyda.

“Waxay soo kaxeysteen qoysas badan, sababtoo ah waxay ku eedeeyeen inay wiilashooda u fasaxeen inay ku biiraan Macawiisleyda, waxayna sheegeen in wiilashooda ay hubka u qaateen Al-shabaab,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood.

 

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in sababta ay sidaas ay u sameynayaan ay tahay in shacabka ay ka hor istaagaan inay xiriir la sameeyaan dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga soo horjeesto kooxda Al-Shabaab, lana tagaeero ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada inta badan gobollada dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guluf ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socdo gobollada dalka, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleLaanta Socdaalka ee Migrationsverket-ka oo ka jawaabtay Eed uga timid Barlamaanka Sweden
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo sifo cajiib ah ku macneeyey ‘guul darada’ Al-Shabaab