Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Qaraxyo ku Xiray Xaafado Xirtay Camerada CCTV

Alshabaab oo Qaraxyo ku Xiray Xaafado Xirtay Camerada CCTV

0

Kooxda Al-Shabaab oo weli dagaal xooggan kula jirto dowladda federaalka ayaa haatan billowday weeraro nooc cusub ah oo ay ka fulineyso magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Weeraradan oo qaraxyo ah ayaa kooxda waxaa xalay ay ku beegsatay guryo ku yaallo xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, kuwaas oo ay daganaayeen dad shacab ah.

Sababta ugu wayn ee loo qarxiyay guryaha ayaa ah, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka CCTV ee ay horay dowladda u amartay in lagu xiro wadooyinka iyo goobaha ganacsiga Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan oo moonooyin ahaa ay ku dhaawacmeen illaa 5 ruux oo ay ku jiraan carruur, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada caasimada.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo kooban ka sameeyay gudaha Garasbaaley, balse ma jirto natiijo kasoo baxday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Garasbaaleey iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxyadaan xalay ka dhacay duleedka Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale u qarxisay goobo ganacsi oo ku yaalla caasimada, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda dhexe.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Xasan Afgooye oo Ganacsatada Muqdisho lacagta Xooga Uga Qaada War kasoo saartay
Next articleBashar al-Assad oo faahfaahin ka bixiyay qaabakii uu uga soo baxay Suuuriya