Home Wararka Maanta Alshabaab oo Qaraxyo ku Gubay Suuqii Ceelasha Biyaha

Alshabaab oo Qaraxyo ku Gubay Suuqii Ceelasha Biyaha

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay laga maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kuwaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqyada waa wayn ee deegaankaasi.

Qaraxyo is xig-xigay ayaa mar qura ka dhacay Ceelasha, waxaana xigtay gubashada goobaha ganacsiga oo intooda badan gubtay.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay toos u beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii la sheegay in lagu amray inay xiraan Caamirooyinka qarsoon ee CC TV.

Xaalad kacsan ayaa weli ka jirta Ceelasha Biyaha, waxaana sidoo kale ku sugan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo iyaguna baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

Weerarka ka dhacay Ceelasha waxaa ka horreeyay qaraxyo kale oo todobaadkii hore ka dhacay halkaasi, kuwaas oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Si kastaba, dhacdooyinkan is xig-xiga ayaa imaanaya, xilli Ceelasha Biyaha iyo deegaanasa u dhow ay maalmahan howlgallo culus ka wadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo markay Ka Adkaatay Dulimaadyada U jeesatay Xawaaladaha
Next articleAlshabaab oo Soo Buuxdhaafiyay Duleedka Magaalada Kismaayo