Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Doonka Buurfuule, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka
Ugu yaraan illaa 2 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, halka uu ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kamid ah, kuwaas oo la socday baabuurka ay miinada haleeshay.
Sidoo kale dadka dhaawacyada ayaa deg-deg loo soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Jowhar, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo maamulka HirShabelle ee ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ee shacabka lala beegsaday.
Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa waddooyinka galiya maleeshiyaadka Al-Shabaab oo beegsaday ciidamada, balse waxaa khasaare uu kasoo gaaraa rayidka.