Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Mid kamid ah Weeraradii ugu Cuslaa waayahaan ku qaaday Ciidamada...

Alshabaab oo Mid kamid ah Weeraradii ugu Cuslaa waayahaan ku qaaday Ciidamada Dowlada

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa Shalay Galab weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday tuulooyin hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dhacay mid kamid ah dagaaladii ugu cuslaa ee dhaca waayahaan.

Kooxda ayaa markii hore weerar qaraxyo ismiidaamin ah ku bilowday ku qaaday deegaan lagu magacaabo Haantadheer oo dhaca duleedka Afgooye, iyagoo kadibna weerar kale ku qaaday deegaanka Mukayga, si ciidamada xoogga aysan isugu gurman.

Halkaas waxaa deganaa ururro ka tirsan guutada 12-ka October ee ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dhinaca kale, qarax ismiidaamin ah oo dad badan oo shacab ah lagu laayey ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Afgooye, kooxda ayaa beegsatay maqaayad ay ku sugnaayeen dad badan.

Xubno ku sugan Afgooye ayaa Warbaahintau sheegay in qaraxaas uu geystay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo kooxda Shabaab ay so adeegsatay, wuxuuna galaaftay nolosha in ka badan 5 qof oo shacab ah.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleXog hayaha Trump oo ku Baaqay in Muslimiinta dhan la laayo
Next articleSarkaalkii Jubaland ee Hogaaminaayay Ciidamadii Weerari lahaa Raaskanbooni oo Xog yaab leh Bixiyay