Home Wararka Maanta Alshabaab oo Markale Dagaal qaraar Dhexmaray Dhexdooda

Alshabaab oo Markale Dagaal qaraar Dhexmaray Dhexdooda

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab, saddexdii cishe ee lasoo dhaafay ku dhex-maray dhulka hoodka ah ee gobollada Jubbooyinka ee Jubbaland.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen horhooge lagu magacaabo Ismaaciil Baarow oo ka gadooday kooxda iyo xubno kale oo wadada u galay.

Sarkaalkan oo ay la socdeen maleeshiyaad kale ayaa dagaal kula galay xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Yaaq Shabeel oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkaasi.

Warbaahinta qaranka ayaa ku warrantay in xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay dilaan sarkaalka baxsadka ah, balse uu iska difaacay.

Wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 10 ka tirsanaa kooxda dhexdeeda, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 20 kale, sida warisay warbaahinta dowladda.

Xaalada ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xubno kale oo gurmad ah ay ka baxeen dhanka degmada Jilib, kuna sii jeedaan aagga lagu dagaalamayo, waxaana warbaahinta qaranka ay shaacisay in xubnaha weerarka qaaday ay si gaar ah u hoostagaan Mahad Karataay oo kamid ah sarakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab

Ad
Previous articleKenya oo si wayn uga carrootay hadal ka dhan ah Madaxweyne Ruto oo kasoo yeeray Aamina Maxamed
Next articleCiidamada Dowlada oo Alshabaab Gorhow Kasaaray Deegaanka BudBud ee Galmudug