Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo ay maanta Al-Shabaab ka gaysteen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Saraakiilsha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in madaafiicda aysan gaysan wax khasaare ah, haatana ay dagan tahay xaaladda.
Weerarka kadib waxaa howlgal sameeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aagga Ceeldheere, kuwaas oo baadi goob u galay xubnaha weerarka soo qaaday.
Sidoo kale saraakiisha milatariga waxa ay sheegeen inay ku raad-joogaan Al-Shabaabkii ka dambeeyay hoobiyeyaasha xalay lagu garaacay deegaanka Camaara.
Xaaladda ayaa iminka daggan, waxaase saameynta weerarkan laga dareemayaa deegaanka, maadaama ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.
Ceeldheer ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal ay si wadajir ah ugu qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.
Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay mid kale oo ay dhowaan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaas oo isna loo adeegsaday madaafiic, waxaana ku dhintay nin iyo xaaskiisa oo kamid ahaa dadka deegaanka.