Home Wararka Maanta Alshabaab oo maantay Mar kale Qabsaday Beerayabaal iyo Dagaal Qaraar oo Dhacay

Alshabaab oo maantay Mar kale Qabsaday Beerayabaal iyo Dagaal Qaraar oo Dhacay

0

Kooxda Alshabaab ayaa Dagaal Rogaal celis ah oo Culus ku soo qaaday maantay deegaanka beerayabaal oo shalay Xoog looga Saaray alshabaab oo Dagaal Dhowr jiha ah soo qaaday ayay usuurta gashay inay Markale Gacanta Usoo gasho Deegaanka Beerayabaal ee gobalka Hiiraan.

Dagaalka oo saacada Badan Qaatay ayaa Ciidamada Macawislayda iyo kuwa xooga  dalka  Dantu ku qasabtay inay Dib uga baxaan Beerayabaal Kadib Markii Qaraxyo iyo Dad naftooda Huraya ay Alshabaab kusoo Dagaal galeen.

Saacaado kadib Waxaa Kooxda macawislayda iyo Ciidamada Xooga Dalka Soo Qaadeen Dagaal Rogaal Celis ah oo Dhowr jiha ah kaas oo  Alshabaab Markale ku qasbay inay Dib uga Baxaan Beerayabaal Alshabaab ayaana laga Furtay Hubka Fudud.

Haatan waxaa Deegaanka Beerayabaal ku sugan Ciidamada Macislayda ee uu hogaaminaayo Cali jayte iyo Taliyaha Ciidamada Lugta oo Wada Socda Sanad kadib Waa dagaalkii ugu Cuslaa oo Dhexmara Alshabaab iyo Dowlada Soomaaliya oo Kaashanaysa Kuwa Macawislayda Hiiraan.

lama Oga Khasaaraha Rasmiga ah ee kala Gaaray Labada Dhinac Marka laga reebo Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay inay Maantay Ilaa Shalay Alshabaab ka Dileen 40 Dhimash ah iyo Dhaawac Tira Beel ah.

Alshabaab ayaana Xalay Ciidamadii Ugu Badnaa Kusoo Daabulay Duledka Beeryabaal kuwaas oo xataa La duqeeyey Balse Taas ma baajin Weerar ay Alshabaab Soo Qaadaan.

Ad
Previous articleGudoomiye Amiir oo War Kasoo saaray Amaanka Magaalada Muqdisho
Next articleDowlada Soomaaliya oo Si aan Trump uga Goosan Dhaqaaalaha Qaaday Talaabo layaab leh