Home Wararka Maanta Alshabaab oo Maantay Laga Saaray Deegaano badan lagana dilay rag badan

Alshabaab oo Maantay Laga Saaray Deegaano badan lagana dilay rag badan

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo culus oo lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaasi.

Howgallada oo lagu xoreeyay deegaanno dhaca jiinka wabiga Shabelle ayaa lasoo wariyay in ciidamadu ay sidoo kale jab culus ku gaarsiiyeen kooxaha Khawaarijta.

Ciidamada huwanta ayaa gudaha u galay deegaanno ay kamid yihiin Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Farbarako, Damileey iyo kuwa kale oo ku yaala jiinka wabiga Shabeelle, horay ay ugu sugnaayeen Shabaab.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka la dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ah, ayna ku jiraan horjoogayaal iyo maleeshiyaad, inkastoo aysan sheegin saraakiisha tirada rasmiga ah ee la khaarijiyay.

Sidoo kale waxaa nolosha lagu soo qabtay xubno kale oo usoo gacan galay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Howlgalada Khawaarijta looga sifeynayo deegaanada dhaca Jiinka wabiga Shabeelle ayey dardar galiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka iyadoo Argagixisada jab culus lagu gaarsiiyay howlgalka, isla markaana laga dilay maleeshiyaad badan, gacantana lagu dhigay dhagarqabayaal kale” ayaa lagu yiri qoraal dowladda dhexe.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Mahadaay oo haatan ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wejigii koowaad ee dagaalka, iyada oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ay kamid tahay degmada Aadan Yabaal oo muddo dheer talis wayn u hayad maleeshiyaadka argagixisada ah.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleTaliye ciidan oo si arxan dara ah loogu dilay Magaalada Hargaysa
Next articleDonal Trum oo Jahawareer Culus ka Abuuray Yurub iyo Shir deg deg ah oo la isugu imid