Kooxd Al-Shabaab ayaa laga xoreeyay goobo dhowr ah oo ay uga dhuumaaleysanayeen dhulka howdka, sida ay goordhoweyd shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo GorGor ayaa saacadihii lasoo dhaafay Shabaab ka xoreeyey goobahaasi ay uga dhuumaaleysanayeen ee dhulka howdka ah oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.
Warbaahinta dowladda ayaa baahisay sawirada goobaha la sheegay in laga xoreeyay Al-Shabaab, waana kuwa laga qotay hawdka jiqda ah, halka qaarkood dush sare lagaga daday jiingado.
Maleeshiyaadkii Shabaab-ka ahaa ee ku sugnaa halkaasi ayaa goobta iskaga cararay, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howl-galkaas fuliyay ee DANAB iyo GorGor.
Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu socdo diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka safka hore.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore guulo waaweyn uga sheegatay wejiga koowaad ee dagaalka, iyada oo sheegtay in lagu xoreeyay illaa 70 goobo, kuwaasi oo isugu jira deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose.