Home Wararka Somaliya Jubbaland Alshabaab oo laga Saaray Deegaan muhiim ah oo waqti Dheer Maamulaayeen

Alshabaab oo laga Saaray Deegaan muhiim ah oo waqti Dheer Maamulaayeen

0

ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo is kaashanaya ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaan istaraatiiji ah oo lagu magacaabo Filfile.

Deegaankan laga qabsaday kooxda ayaa dhaca waqooyiga deegaanka Buulaxaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo sina dhowaan laga xoreeyey Khawaraijta.

Saraakiisha ciidanka howl-galka sameeyey ayaa sheegay in deegaankaas uu Shabaab-ka u ahaa meel ay xoolaha baadda ah uga qaadaan dadka shacabka ah, islamarkaana ay ka gaysteen dhibaatooyin badan.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galkaan ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo weli deegaano badan ugu harsan maamulka Jubbaland.

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah.

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.

Ad
Previous articleXubno ka tirsan Al shabaab oo la soo qabtay(Sawiro)
Next articleDowladda Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay wada-hadalka la sheegay in lala galayo kooxda Al-Shabaab