Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay galabta la wareegeen gacan ku haynta Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan
Qoraal ay Al-Shabaab ku daabaceen warbaahinta taageersan ayay ku sheegay in dagaalyahanadooda ay guud ahaan la wareegeen degmada Matabaan.
Dadka deegaanka ayay soo wajahday Cabsi ku aadan in dagaal uu halkaasi ku dhexmaro ciidamada dowladda iyo Al-shabaab weerarka soo qaaday.
“Dagaal kooban ka dib Al-shabaab ayaa la wareegtay degmada Matabaan, waxay hadda joogaan bartamaha degmada gaar ahaan saldhiga Booliska iyo xarunta maamulka, cabsi fara badan ayaana jirta” ayuu yiri goob jooge ku sugan degmada Matabaan oo la hadlay warbaahinta
Ma jirto weli wax war ah oo kasoo baxay Hay’adda amniga Soomaaliya oo ay uga hadlayaan sheegashada Al-Shabaab ee ah in Matabaan ay la wareegeen oo Maamul ahaan ka tirsan Hirshabeelle, balse Galmudug ay maamusho
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay