Home Wararka Maanta Alshabaab oo Hanjabaab Culus oo u Soo diray Ganacsatada iyo Bangiyada Soomaaliya...

Alshabaab oo Hanjabaab Culus oo u Soo diray Ganacsatada iyo Bangiyada Soomaaliya Kadib Gubitaankii Suuga Ceelasha

0

Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo muuqaal iska soo duubay ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay canshuurta iibka ee ay dhawaan soo rogtay dowladda Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere oo digniin culus soo saaray ayaa marka hore arrintan ku tilmaamay dhac loo geysanayo hantida shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in canshuurtani ay billow u tahay baneysashada hantida Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabnaa inaan caddeyno mowqifkeenna ku aadan ficillada boobka iyo burcadnimada ah ee ka socda dalka, gaar ahaan Muqdisho, haddii aan nahay Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin wax badan ayaan ka hadalnay falalka gurracan ee uu cadowga ku hayo ummadda Soomaaliyeed, waana ka dignay hagar-daamooyinka ganacsatada Soomaaliyeed ee lagula wareegayo hantidooda” ayuu yiri Afhayeenka kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelineynaa inay muddo hal isbuuc ah oo ka bilaabaneyso 26 August 2024 ay hantidooda kala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynay boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada” ayuu mar kale yiri Cali Dheere.

Sidoo kale waxaa sii raaciyay “Waxaan dadweynaha u sheegeynaa in muddadaas ay hantidooda ugala bixi waayaan ay ayagu qaadayaan mas’uuliyadda wixii ka yimaada arrintaa iyada ah”.

Digniintan ayaa kusoo aadeyso saacado uun, kadib markii shalay ay Al-Shabaab qaraxyo ku burburiyeen goobo ganacsi oo ku yaallay suuqyada Ceelasha Biyah ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu sheegay sababta ay u beegsadeen xiridda kaamirooyinka CCTV.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleXildhibaanada Baarlamaanka Ee Beelaha Hawiye oo Shir Deg Deg ah Isugu Yimid(Sawiro)
Next articleXubno Shabaab ah iyo horjoogahooda oo Dagaal Culus lagu dilay