Home Wararka Maanta Alshabaab oo Doonaayay inay Gudoomiye Sariirtiisa Ku Dilaan oo La Fashiliyay

Alshabaab oo Doonaayay inay Gudoomiye Sariirtiisa Ku Dilaan oo La Fashiliyay

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa qorsheysay inay sariirtiisa ku disho guddoomiyaha deegaanka Lambar-konton ee gobolka Shabeellada Hoose, balse waa fashilmay qorshahaas oo ahaa mid halis ah.

Ciidamada amiga iyo maamulka ayaa iska kaashaday fashilinta dhagartaan, waxayna Al-Shabaab doonayeen inay sariirtiisa ku dilaan guddoomiyaha, maanta ayaa miinooyinkii lagu soo bandhigay fagaare ku yaalla Lambar-konton.

Taliyaha Nabad Sugidda deegaanka Lambar-konton Maadey Caddow ayaa sheegay in markii 15-aad ay fashiliyeen qorshe ay Shabaab doonayeen inay ku dilaan guddoomiyaha deegaankaas.

“Khawaarijta waxaan leeyahay, miinadii aad ku dili rabteen guddoomiyaha waatan, Waa markii 15-aad oo aan fashilinay, intaas waxaa dabajoogteen guddoomiyaha,” ayuu yiri Taliyaha NISA ee deegaanka Lambar-konton Maadey Caddow.
Ad
Previous articleDalka Sweden Haweeney Heshay Lacag Gaareysa 230 kun Karoon Kadib Markii ay Dalbatay Fasax Jiro
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal Culus oo Goordhow Ka Qarxay Galgauud Galmudug