Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa saakay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ku dilay labo dhagarqabe oo ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Dhagarqabayaasha la toogtay ayaa qorshaynayey inay dilaan askar ku jirtay howlgal amni xaqiijin ah oo ka socday Waaxda Ciise Cabdi ee degmada Deyniile.
Askari ka tirsan Booliska ayaa ku dhaawacmay howlgalkaas, waxayna ciidanku soo bandhigeen sawirrada meydka labada nin ee Khawaarijta ka tirsanaa iyo labo bistooladood oo Biljam ah oo ay ku dagaalameen.
Ad