Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dilal Waali ah ku Haaya Ganacsata Muqdisho iyo Dilal Sacadihii...

Alshabaab oo Dilal Waali ah ku Haaya Ganacsata Muqdisho iyo Dilal Sacadihii Udanbeeyey Dhacay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil iyo dhaawac ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab maanta ka gaysteen gudaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaas oo loo gaystay saddex ganacsato ah oo ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerareen ganacsatadan oo ku sugnaa xaafadda Soona-key ee degmada Hodan, waxaana ay dileen laba kamid ahaa ganacsatada, iyaga oo dhaawacay mid kale oo loola cararay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay  in ganacsatadan loo beegsaday kaamirooyin ay ku xireen dukaamadooda, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo haatan wada baaritaano dheeraad ah, inkastoo ay fakadeen raggii dilka gaystay.

Dilkan waxaa ka horreeyay mid kale oo iyaguna saddex ganasato ahaa dhowaan loogu gaystay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo goobahooda ganacsi ku xiray Kaamiro CCTV, waxaana toogasho ku dilay rag afka soo duubtay oo ugu tegay xarumahooda.

Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh

Ad
Previous articledowlada Talyaaniga oo ka Hadashay Sababta ay Baasabooorka Soomaaliga Uga Joojisay Visaha Dal ku Galka
Next articleMusharax Koofi oo difaacay Hormuud kadib dilkii shalay Shirkada Hormuud u Gaystay Askariga