Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dib ulawareegay Degaanka Moqokori iyo Degaano kale oo dhawaaan Laga...

Alshabaab oo Dib ulawareegay Degaanka Moqokori iyo Degaano kale oo dhawaaan Laga saaray

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka Macawuusley ee dhawwaan la wareegay deegaanada Moqokori iyo Yasooman ayaa wararku sheegayaan in goordhaw halkaasi isaga baxeen.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ka baxay deegaanada Moqokori iyo Yasooman ayaa gaaray degmooyinka Maxaas iyo Buuloburte ,waxaana halkaasi ciidamada mar kale ka wadaan abaabul.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada sababaha ay deegaanadaasi uga soo baxeen salka ku heyso khilaaf soo kala dhax galay hoggaanada kala duwan ee horboodaya ciidamada huwanta ah ee dagaalka kawada gobolka Hiiraan.

Dedaalo la doonayay in ciidamada ka sugnaa Moqokori iyo Maxaas aysan kasoo bixin aagagooga ayaa guul dareestay, waxaana khilaafkan soo baxay saameyn xoogan ku yeelanayaa howlgaladii ka socday gobolka Hiiraan.

Shacabka ku dhaqan deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee soo dhaweeyay ciidamada la wareegay deegaanadaasi ayaa cabsi xooggan lasoo daristay, waxa ayna shacabkan ka cabsi qabaan in dhibaato kala kulmaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Alshabaab ayaana goordhow Shaaciyay inay Dib ula wareegeen Dhamaan Degaamadii ku Teeedsanaa Moqokori

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWAR DEG DEG: Madaxweynaha Somaliland oo muddo kordhin loo sameeyey
Next articleCiidamada Itoobiyaan oo Farabadan oo soo Gaaray Gobalka Gedo kadib Heshiiski Xasan Shiikh iyo Abiya