Home Wararka Maanta Alshabaab oo Deeganada Galmudug oo ku Dhexmaray Dagaal Culus oo Maleshiyaad badan...

Alshabaab oo Deeganada Galmudug oo ku Dhexmaray Dagaal Culus oo Maleshiyaad badan isaga Dileen

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan magaalada Xarardheere ayaa shaaciyay in dagaal xubno ka wada tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray deegaan u dhow magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in xubnahaas uu dagaalka ku dhexmaray duleedka Xarardheere kadib markii 10 xubnood oo kamid ah ay rabeen inay isku soo dhiibaan dowladda, halka kuwa kale ay kasoo horjeedeen go’aankaasi, taasi oo keentay in ay is rasaaseeyan.

“Shalay ugu dambeysay halkan ayay ku dirireen meel aan aad nooga dheereyn, waxaa isoo gaartay in 14 iska dileen. 10 ayaa soo fakatay waa laga daba yimid, tobankiiba waa la dilay oo iyaguna afar ayay dileen dhowr iyo toban kalena wey dhaawaceen,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa rag la yaqaano oo xataa la iisheegay meelihii markii hore ka imaadeen magacyadooda, taasi waxay muujineysa Shabaab jabka iyo niyad xumada ku dhacday.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhalinyarada u dagaalameysa kooxda Al-Shabaab badankooda lagu qasbay dagaalka, oo aysan raali ka aheyn, “Niman ayaa noo soo galay oo noo warbixiyay waxay yiraahdeen inta dagaalka diyaarka u ah iyo inta la qasbayo waxaa badan inta la qasbayo. Shan nin haddii ay meel yar gaadheyso qoryaha waa laga dhigaya oo laba nin oo qori wata ayaa geesaha laga raacinaya.”

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in dad sidaas loo qasbayo aysan muddo badan dagaalami karin, isaga oo tilmaamay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Xarardheere ay awood u leeyihiin inay difaacaan deegaanka, ayna xoreeyaan kuwa kale ee weli ku jira gacanta kooxda.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya in si deg deg ah u xasiliyaan deegaanada ay ciidamadu qabtaan, si ay hore uga sii socdaan, islamarkaana ay lagama maarman tahay in la helo Boolis kala wareega deegaanadaasi, si howl-galka uu hore ugu sii socdo.

Sabtii unbay aheyd markii kooxda Al-Shabaab ayaa toogatay 6-xubnood oo ka mid ahaa dagaalamayaashooda ku sugan duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii laga shakiyey.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ee guriga Mirinaayo
Next articleMaamulka Hirshabeele oo Si cara Leh uga Hadlay Weerarkii Alshabaab Ku Qaadeen Gurigii lagu Daawaynaayay Macawislaysda Hirshabeele