Dagaal xoogan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Ruunirgood iyo Ceel-bacad gaar ahaan halka loo yaqaano Murcudka.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa u daatay fadhiisin kooxda Alshabaab ay halkaasi ku lahaayeen, waxayna halkaas ku dileen maleeshiyaad badan.
Weerarka waxaa lagu soo furtay hub nuucya kala duwan ka kooban, sida Qoryaha fudud ee AK-47 loo yaqaano, Daba-miishaar, iyo zaban.
Taliya Ciidamada Lugta Generaal Dayax ayaana Goordhow Gaaray Halka laga Saaray Alshabaab Soona Bandhigay Hubka laga Furtay AlshabaabTaliyaha ciidanka Dhulka Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa dhiirigalin ugu tagay ciidankii fuliyay howlgaladii guulaystay ee maanta ka dhacay deegaano hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga “In ka badan 20 AS ah ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay howdka Ruunirgood”
Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg