Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab Oo Dagaal Culus oo laisku Riiqmay kadib La wareegay Deegaanka Daarunimca

Alshabaab Oo Dagaal Culus oo laisku Riiqmay kadib La wareegay Deegaanka Daarunimca

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ku qaaday deegaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas waxaa ka dhacay dagaal culus oo sababay inay Shabaab la wareegaan deegaankaas.

Al-Shabaab ayaa maleeshiyaad badan ku soo weeraray Daarunicma, kuwaas oo watay sideed gaari oo nooca dagaalka ah, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku riiqmay.

Ciidan badan ayaa xoogga dalka ka joogay Daarunicma, sidoo kale macawiisleyda deegaanka ayuu ciidan badan ka joogay deegaankaas, kuwaas oo dagaal culus la galay Shabaab-kii weerar ku soo qaaday.

Ciidamada ayaa dib uga gurtay deegaanka, waxaana gudaha u galay Shabaab-kii soo weeraray Daarunicma, balse waxaa la sheegay in galabta gabal-dhicii ay isaga baxeen.

Ciidamada oo isugu tegay duleedka deegaankaas ayaa mar kale dib isku soo abaabulay, si ay deegaanka uga xoreeyaan kooxda Al-Shabaab, balse waxaa la sheegay in hortood ay ka baxeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa Arbushaad, isla markaana ay iska caabiyeen kooxdii soo qaaday duulaanka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in weerarka ay ku dileen Maleyshiyaad badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo caawa meydadkoodu ay dhexyaalaan deegaanka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa beeniyey in degaanka ay la wareegeen Al-Shabaab, iyagoona sheegay in gacantaciidanka ay ku jirto Daarulnicma, balse dadka deegaanku waxay Caasimada Online u sheegeen in magaaladaas ay muddo kooban gacanta u gashay Al-Shabaab.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleDoon u rarnayd ganacsatada Galmudug oo Gabi ahaanb
Next articleHogaamiyaha SSC khaatuma oo Ku dhawaaqay inay ka baxeen puntland kana qaybgalayn Doorashada Maamulkaas