Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dab Qabadsiiyay Gaari Iyo Alaabtii U Siday oo Ku Wajahnaa...

Alshabaab oo Dab Qabadsiiyay Gaari Iyo Alaabtii U Siday oo Ku Wajahnaa Jowhar

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar dhabogal ah oo ay maanta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay waddada u galeen gaari xamuul ah oo kusii jeeday magaalada Jowhar, waxayna qabadsiiyeen dab, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Gaariga ayaa lasoo wariyay inay Al-Shabaab ku tuhmeen inuu qalab u siday maamulka HirShabelle, waxayna ku gubeen agagaarka deegaanka Gololey ee Shabeelaha Dhexe.

Gebi ahaan gaariga iyo alaabta uu siday ayaa bas-beelay, waxaana kadib halkaas isaga dhaqaaqay xubanah Al-Shabaab weerarka fuliyay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta HirShabelle oo ku aadan weerarkaas baabuurka xamuulka ah lagu gubay.

Maalmo kahor ayay ahayd markii ay sidaan oo kale ay Al-Shabaab u gubeen 4 gaari oo ku sii jeeday Jowhar, kuwaas oo siday agab kala duwan.

Weerarada ka dhaca inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar ayaa aad u kordhay todobaadyadii lasoo dhaafay, waxayna saameyn ku yeesheen isku socodka labadaas magaallo.

Sidoo kale waxaa sii dheer weeraro toos ah oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab kusoo qaadaan degmada Balcad iyo saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socdo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, wuxuuna kamid ah meelaha kooxda lagu jebiyay wejigii koowaad dagaalka ay qaaday dowladda.

 

Ad
Previous articleTaliye Carab oo Xalay lagu Dilay Degmada xamar Jajab iyo Ragii Dilay oo la Qabtay
Next articleDhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal hada ka socda Degmada Qoryooley