Home Wararka Maanta Alshabaab oo Bilaabay Qorshe layaab leh oo Reer miyiga Lacag uga Samaynayaan

Alshabaab oo Bilaabay Qorshe layaab leh oo Reer miyiga Lacag uga Samaynayaan

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday qorshe culus oo dhaqaale ay uga sameyneyso dadka reer Miyiga ah ee dhaqda Geela, kuwaas oo dhibaato badan ay ku heyso kooxdu, sida ay ogaatay Warbaahintu.

Al-Shabaab waxay deegaanada ay joogaan ka sameysteen xeryo waaweyn oo Geela baadida ah ama aan cidi ilaashaneyn ay ku xareystaan, kadibna waxay dadkii lahaa ka qaadaan lacago baad ah.

Dadka Geela dhaqda ee ku nool dhulka fog-fog ee miyiga ah ayaa ka cabanaya dhibaatada Khawaarijta, kuwaas oo farriin u soo diray dowladda, iyagoo codsanaya in laga soo gaaro oo laga kiciyo cadowga.

Sidoo kale, ragga Geela dhaqda ee ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan ayaa cadeeyey inay diyaar u yihiin inay hubka qaataan oo Shabaab iska dhiciyaan, hadii ay helaan garabka dowladda.

Sida xogtaan ay ku heshay Caasimada Online, Kooxda ayaa bilowday inay xareystaan Geela baadida ah, kadib markii uu yimaado qofkii lahaa oo raadinaya waxay u jarayaan Boono 150 doolar ah, hadii Geeliisa uu ka soo helo xerada wuxuu bixinayaa 3 u dhig hal dhig ama mararka qaar kala bar.

Waxay qorshahaan u sameeyeen nidaam ay dhaqaale badan uga samey karaan xoolaha ay duurka ka qabsadaan ee ka soo lumay dadkii lahaa, mararka qaarna waxay xubnaha noo waramay sheegeen inay ka xeystaan si ay xerada u geystaan Geela hadii uusan markaas qof la joogin, xitaa isagoo aan baadi aheyn oo daaqaya aagii loogu tala galay.

3 ka mid ah xeryaha Geelaas lagu xareeyo ee dadka lagu baado waxay ku yaalaan Sh/Hoose, gaar ahaan deegaanada Buulo-Fulaay, Leego iyo Farsooley, xubnaha xogtaan na siiyey ee xoola dhaqatada ah waxay noo cadeeyeen inay si adag uga gadoodeen qorshaha kooxda, balse weli aysan helin cid ku garab siisa inay dagaalamaan.

Sidoo kale waxaan ogaanay in qorshahaan ay dhaqaalaha uga abuurayan Geela daaqsinka ah uu ka dhaqan galay dhamaan deegaanada ay joogaan, taasi oo aad ay uga caroodeen dadka xoolo dhaqatada ah, kuwaas oo dalbanaya inay laga xoreeyo cadowgaan ku heysta xoolahoodii.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleMaraykanka oo ka digaya masiibo deegaan oo ka dhalan karta badda cas
Next articleRuushka oo in ka badan 100 gantaal ku garaacay Ukraine iyo Xaalad Ba’an oo Taagan