Home Wararka Maanta Alshabaab oo Afduubtay Culumo la Tirsanaa Ahlusuna Waljmaaca

Alshabaab oo Afduubtay Culumo la Tirsanaa Ahlusuna Waljmaaca

0

Wararka ka imanaaya Laanta Buuro ee Galbeedka Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay afduubteen ilaa labaatan culimo ah oo ka tirsan dariiqada Suufiyada, culimadaas oo sanad walba iskugu yimaado kulan diimeed ka dhaca Laanta Buuro. Wararku wax ay sheegayaan in qar ka mid ah culimada ay u suurtagashay in ay baxsadaan oo ay ka badbaadaan afdubka.

Al-shabaab ayaa muddo dheer ka soo horjeeday suufiyada oo ay u aragto inay ka soo horjeedaan mabaadi’dooda adag ee Islaamka, waxayna horrey u burburiyeen mowlacyo badan oo ay dariiqooyinka suufiyadu ay lahaayeen.

Weli war rasmi ah, Al-shabaab kama soo saarin Afduubkaas.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Gudaha Dalka Kenya Dad ku laysay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey khasaaro Ba’an oo ka,Dhashay Dagaalkii Qararaa ee Maantay ka Dhacay Galmudug