Waxaa sii xumaanaya ammaanka magaalada Muqdisho , waxaana shalay ilaa xalay magaalada qeybo kamid ah lagu dilay ilaa afar qof ,kuwaa oo ragii dilka u geestay si nabad galyo ah ku baxsadeen.
Dilkii ugu horeeyay ayaa shalay subax xaafada Siisii ee degmada Dayniile loogu geestay Jeneraal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya, waxaana goobta dilku ka dhacay isaga baxsaday ragii hubeesnaa ee fuliyay dilka.
Xalay isgooska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag waxaa lagu dilay labo nin oo la sheegay in ay ahaayeen darawalada baabuurta waa weyn, waxaa iyana goobta isaga dhaqaaqay kooxdii dilkaasi fulisay .
Nabadoon caan ah ayaa isna xalay lagu dilay agagaarka hotelka Lafweyn ee degmada Kaaraan, mana jiro iyana cid loo soo qabtay dilka nabadoonkaasi oo goobta looga tagay markii la hubiyay in uu geeriyooday.
Dilalkan ayaa u muuqda in hal koox wada fulisay, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya kasoo saartay afartan qof ee wax kayar 14-saacadood siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaana kaliya lagu arkaa meelo gaar ah oo katirsan magaalada Muqdisho, mana kahor tagaan ciidamada inta badan dilalka magaalada ka dhaca, sidoo kale lama qabto kooxaha dilalka fuliya .
Ammaanka caasimadda ayaana u muuqanaya mid sii xumaanaya xilli dagaalo ka dhan ah Al Shabaab ay ka socdaan qaar kamid ah gobolada dalka, waxa ayna dowladda dhawwaan soo saartay digniino la xariira weeraro Al Shabaab ka geesan karaan Muqdisho.