Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta howl-gal culus ka sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Howl-galkaan oo ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada ayaa waxay ciidanka NISA kusoo qabteen shabakad Shabaab ah oo qorsheysanaysay in ay kasii tallaaban gobolka Hiiraan.
Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xubnahaan aragagixisada ah ay doonayeen in ay gobalka Hiiraan ugu tallaabaan gobolka Galgaduud oo uu ka socdo howl-gal lagu cirib-tirayo kooxda.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xilli uu gobolada dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad