Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab Ku Sugnaa Gobalka Mudug oo Dagaal Dhowr Jiho ah lagu Qaaday

Alshabaab Ku Sugnaa Gobalka Mudug oo Dagaal Dhowr Jiho ah lagu Qaaday

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday Al-Shabaabka ku sugan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda oo ku yaalla agagaarka magaalada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada ay isku fara saareen aagga deegaanada Baraag-hurdaaye iyo Miiroon oo uu illaa hadda ka socdo dagaal foolka fool ah.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in duqeymo xoogan ay barbar socdaan howlgallada ka socda duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ay qaadeen ciidamada huwanta iyo dagaalka xigay, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Saraakiisa milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay sii wadayaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo dhulkaasi.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka soconaya guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ay hadda ka taliso Galmudug.

Ad
Previous articleBeelaha Sacad iyo saleebaan oo Mudo kadib Maantay Dagaal dhex maray
Next articleAlshabaab oo Dagaal Culus Ku Qaaday Buula Xaaji Miyay La wareegeen?