Wararka ka imaanaya degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada Dhaxe ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay leeyihiin ciidamada Kenya gantaalo ku garaaceen xarumo Al Shabaab ku leeyihiin magaaladaasi.
Duqeymaha ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xarumo Al Shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aale, waxaana la sheegay in madaafiicda qaar ku dhaceen goobo Al Shabaab shirar ku lahaayeen.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan khasaaro ka dhashay duqeymaha xalay lagu garaacay degmada B’aale, mana jirto ilaa hadda ilo madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ay geesteen duqeymahan.
Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya deegaanno iyo degmooyin Al Shabaab ka joogaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo, duqeymahan ayaana mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.
Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay