Home Wararka Maanta Alshabaab kii abid ugu Badnaa oo Halmar iskasoo Dhiibay Degmada Xarardheere

Alshabaab kii abid ugu Badnaa oo Halmar iskasoo Dhiibay Degmada Xarardheere

0

Tiradii ugu badneyd ee dhalinyaro ah oo wada socda, kana soo goostay Al-Shabaab ayaa shalay isku dhiibtay ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug Maxamed Abshir Jiirow ayaa Warabaahinta Qaranka u sheegay in 7 kamid ah Khawaarijta ay maanta isku soo dhibeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere.

Dhallinyaradaan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka deegaanada Galmudug ay kala kulmeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragaani aysan wadan wax hub ah, isla markaana ay ka soo tageen qoryahoodii, waxaana ku adkaatay inay Shabaab kala soo baxsadaan qoryahooda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa aad uga taxadartay in dagaalyahanada ka soo baxsanaya ay horay u sii qaataan qoriga, waana arrin shaki badan abuurtay.

Inta badan xubnaha ka soo goosta kooxda Al-Shabaab waxay sheegaan inay ku adkaatay inay lasoo goostaan qoryaha, maadaama laga hayo ilaalo adag, isla markaana uusan jirin askari qoriga kala bixi kara xerada ay ciidanka Shabaab degan yihiin.

Ad
Previous articleSoomaliland oo maantay u dareertay Doorashada Madaxweynaha iyo Muuse Biixi oo…
Next articleMucaaradka Jubaland oo wacad Ku maray inay qabsan dooonaan Doorasho