War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay qaraxii lagu dilay AUN Marxuum Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) oo ahaa maamulihii Iskuulka degmada Dayniile.
Marxuumka ayaa ku dhintay qarax lagula beesaday laamiga dheer ee degmadaasi, kaas oo ahaa nooca miinada.
Wasaaradda waxbarashada ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada marxuumka, bahda waxbarashada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Daahir Digdigle uu ka mid ahaa maamulayaasha dugsiyadda dowladda, uuna ahaa maamulaha Iskuulka Dayniile.
“Wasiirka Waxbarshadda, Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cabdiraxman Mohamud Cabdulle Jaabiri , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Mohamed Abbi Hassan, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashadda ayaa tacsi tiiraanya leh u diray Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Macalin Daahir Xasan Tooxow, oo ka mid ahaa Maamulayaasha Dugsiyadda Dowladda gaar ahaan Maamulaha Schoolka Dayniile oo ku geeriyooday Qarax lagula beegsaday Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda waxbarashada.
Allaha u naxariistee Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxgaradka caanka ah ee ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka maamulaha waxaana ay shaacisay inuu ka mid ahaa argadii Galmudug ee wax kasoo xulay baarlamaanka cusub.
Si kastaba, qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad doorasho.