Home Wararka Maanta Alshabaab iyo Ciidamada Itoobiya oo Dagaal Qaraar Dhexmaray

Alshabaab iyo Ciidamada Itoobiya oo Dagaal Qaraar Dhexmaray

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ka dhacay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay mid cakiran.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii xoogag Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka Itoobiya, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale xigay madaafiic ay rideen ciidanka Itoobiya ee la weeraray.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, waxaana yar macluumaadka laga helayo dagaalka dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay ayaa guul sheegatay, waxayna sheegtay in khasaare lixaadleh ay u gaysatay ciidanka Itoobiya.

Dhankooda saraakiil u hadashay ciidanka la weeraray ee ku sugan magaalada Xudur ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, isla markaana haatan ay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday aagga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee weerarka ku qaadan saldhigga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla degmada Xudur.

Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleQofkii Ugu Horeeyey ee Qaba Furuqa Daanyeerada oo Soomaaliya lagu Arkay
Next articleWar Deg Deg Ah:Qoor Qoor oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiyihii Xarardheere iyo Gudoomiyihii Hore oo Diiday Xilka Qaadistaas