Home Wararka Maanta Alshabaab Dhuumalaysi Ku Galay Baydhabo oo Gacanta Lagu Dhigay

Alshabaab Dhuumalaysi Ku Galay Baydhabo oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Ciidamada Nabad-sugidda Koonfur Galbeed oo howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhaba ayaa maanta gacanta kusoo dhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inuu gudaha u galo magaaladaasi.

Ciidanka ayaa ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ku qabtay bar koontarool oo laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Cabdiraxmaan oo wareysi laga qaaday ayaa qirtay inuu ka tirsan kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay inuu tababar kusoo qaatay gobolka Jubbada Dhexe.

Ad
Previous articleShirka Golaha Wadatashi Qaran oo ka Furmay Muqdisho(Sawiro)
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi Qaran ee Muqdisho Ka Furmay iyo Waxa laga wada Hadlay