Home Wararka Maanta Alshabaab Damacsanaa inay Farsamo Yaableh Muqdishu Qaraxyo kusoo Galiyaan oo La fashiliyay

Alshabaab Damacsanaa inay Farsamo Yaableh Muqdishu Qaraxyo kusoo Galiyaan oo La fashiliyay

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta ka hortegay weerar qaraxyo ah oo ay doonayeen in Al-Shabaab ay ka gaystaan gudaha magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska booliska.

Qaraxyada ayaa laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada ah, balse inta uuna soo gelin gudaha caasimada ayaa waxaa ciidanka ay ku qabteen agagaarka degmada Afgooye.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxafaadeedka.

Al-Shabaab ayaa si farsameysan oo yaableh qaraxan kusoo gelin rabtay magaalada Muqdisho, waxayna gaariga kusoo xireen sameecado si aan loo fahmin, balse waxaa ugu dambeyn ku fahmay booliska oo saaka fashiliyay, kadibna burburiyay qaraxyada.

“Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah , waxaana ay ku talagaleen in si farsameysan Ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurageli waysay maadaama Ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ay adeegsanayaan Khawaariijtu marwalbo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay gaarigaa gacanta Boliiska ku jira”.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli sidaan oo kale habeen hore ciidamada ammaanka ay u fashiliyeen isku day Al-Shabaab doonayeen inay weerar uga gaystaan gudaha degmada Daarusalaam, halkaas oo laga maqlay qaraxyo ay dheemish ku sheegtay dowladda dhexe.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Alshababa Isaga Dileen 40 qof oo Dhacay
Next articleAlshabaab oo Qarax Culus ku laayay Shacab Safar ahaa