Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan dagaal saaka waaberigii ka dhacay degaanka Goofgaduud Buurey oo ku yaala duleedka magaalada Baydhao ee Gobolka Bay.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogag katirsan Kooxda Al-Shabaab ay weerareen Saddex Saldhig oo Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin degaanka Goofgaduud.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay si weyn u maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana gudaha degaanka uu si weyn uga dhacay dagaalka.
Dhanka Kale Alshabaab ayaa Askari nolosha lagu qabtey kaas oo lagu Magacaabo Bootaan.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo gurmad ah ay ku baxeen degaankaas oo laga difaaco Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay liwaas oo Dib Qabsaday Goofgaduud.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay