Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab Badan oo lagu Laayay Galmudug

Alshabaab Badan oo lagu Laayay Galmudug

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo culus oo maanta ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ee maamullada Galgaduud iyo HirShabelle.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, isla markaana lagu dilay illaa 32 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale howlgalka labaad ayaa ka dhacay taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 27 kale.

Waxaa kale oo howlgalladan lagu burburiyay fariisimo ay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada ay ka dhaceen howlgalladu.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Muqdisho, October 08, 2024: ilaa iyo 59 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo ay horkacayeen Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyey deegaano ku yaalla bariga Gobalka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay 32 dhagar-qabe ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa ayaa ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi ku shahiiday afar askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hawlgalka labaad oo lagu laayay 27 dhagar-qabe ayaa wuxuu ka dhacay goob ay cadowgu isku aruursanayeen oo ku taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi lagu burburiyay fariisinkii uu cadowgu isku aruursanayay.

Ad
Previous articleQarax Culus oo loo Dhigay Ciidamada Dowlada Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Next articleXasan Shiikh oo ku Wajahan Balidoogle iyo Qorshaha Safarkiisa