Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Saldhiga Cidamada Dowlada ee…

Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Saldhiga Cidamada Dowlada ee…

0

Dagaal culus oo dhaxeeyo Ciidamada Xooga Dalka iyo Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Saakay  u Dexmaray  Saldhiga Ciidamada Dowlada  Deegaanka raaxooy ee Gobalka Sh/dhexe.

Deegaanka Raaxooy Waxuu udhaxeeyaa Balcad iyo qalimow Dhawaqa Hubka culus ayaana laga maqlay Magaalooyinka qalimow iyo balcad.

Alshabaab ayaana Weerarkaan Kusoo Qaaday Ciidamada Macawilayda ee Halkaas ku sugnaa Ciidamada Dowlada oo Ka Baxay Balxad aaana Dagaalka Ka Qayb Qaatay Taas oo Alshabaab  ku qasabtay inay Dib ugalaabtaan  Saldhiguu ay Weerarka Kusoo Qaadeen.

Dagaalka duuleedka degmada Balcad ku dhex-maray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ayaa lasoo sheegaya inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Saldhiga weerarka ka dhacay ayaa kamid saldhigyada dhawaan ciidamada dowladda ay kala wareegeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Brundi oo muddo aad u dheer ku sugnaan jiray saldhigaas.

Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka, halka ay kooxda dhankeeda sheegatay in 27 askari ku dishay weerarkan, inkasta oo si madax-banaan loo xaqiijin karin sheegashada kooxda.

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo looga Digay Inay Badsiiso Dowlada Itoobiya
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal ka dhacay Cadaado iyo Taliyihii Booliska Cadaado oo Ku dhaawacmay