Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii xooganaa ee todobadii bishan March lagu qaaday xero ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.
Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca nin ajnabi ah oo fuliyay qaraxii koowaad ee ismiidaaminta ee lagu bilaabay weerarkaas oo dhacay subax aroor hore ah, kaas oo sababay khasaare lixaadleh oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa xerada la weeraray.
Magaca ninkan ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay Dnayizeye Isxaaq Khaalid, kaas oo loo yaqaanay Showkaani, sida uu ku sheegay muuqaal dardaaran ah oo laga duubay kahor weerarkaasi.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhalasho ahaan uu kasoo jeedo Qowmiyadda Huutiga ee degtay dalka Burundi, isaga oo sheegay inuu muddo dheer joogay Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in weerarkii xarunta gobolka banaadir ee dhacay 22-kii January ee sanadka 2023 uu wax ka fuliyay nin ajnabi ah oo u dhashay Kenya, waxaana ka horreeyay weerar kale oo 2-dii May ee sanadkii 2022 ka dhacay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/Dhexe kaas oo uu isna fuliyay nin kale oo Kenyaan ah, kana tirsanaa kooxda.