Home Wararka Maanta Al-shabaab oo gudaha u galay deegaan hoos taga degmada Mahadaay

Al-shabaab oo gudaha u galay deegaan hoos taga degmada Mahadaay

0

Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegaya in haatan soo galeen deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo todobaadkii u dambeeyay ay ka soo gudbayeen dhinaca Webiga.

Ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa la sheegaya in howl-gallo ka dhan ah xubnahahan soo galay deegaankaas ka fuliyeen halkaas, kuwaasi oo ah dagaallo toos ah iyo duqeymo.

Maamulka HirShabeelle oo sheegay inay la socdaan xogta xubnahan Shabaabka ah ayaa sidoo kale ku goodiyay guluf culus oo ka dhan ah Shabaab.

Wasiirka Amniga Maamulka Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo arrinkaan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ciidamada huwanta faray iney feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Al-Shabaab ayaa doonaysay in dagaal-yahano badan ay soo geliyaan inta u dhaxeysa deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, xilli marxaladd xasaasi ah uu marayo dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida ba’an loogu laayay dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa laga qabsaday dhul ballaaran oo kooxda ay sanado badan gacanta ku haysay.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleKumuu ahaa Xaaji Cali Ugaas Cabdulle oo maanta lagu aasay Muqdisho oo Madax Badan ka Tacsiyaysay Geeridiisa?
Next articlePuntland oo Ka hadashay Dagaalka Khasaaraha Badan Dhaliyay ee Shalay Dhexmaray Puntland iyo Galmudug