Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo baahisay muuqaalka nin Ajnabi ah oo isku qarxiyay Soomaaliya

Al-Shabaab oo baahisay muuqaalka nin Ajnabi ah oo isku qarxiyay Soomaaliya

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan baahisay muuqaal laga duubay nin Ajnabi oo horay weerar is-miidaamin ahaa uga filiyay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ayaa magaca ninkaas ku sheegtay Ramadan Mwan, kaas oo bishii April ee 2021 isku qarxiyay saldhigga Bariire oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor.

Magaca afgarashada ee nikaas ayaa ahaa Abdulhaq Al-Muhajir, wuxuuna kasoo jeeday waddanka Kenya, sida uu ku sheegay muuqaalka ay sii deysay kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inuu ku tababar ku qaaday gudaha Soomaaliya, isla-markaana uu ka dagaalamay deegaano ka kala tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Weerarka is-miidaaminta ee uu fuliyay ninkan ayaa hordhac u ahaa dagaal toos ah oo ay Al-Shabaab xilligaas ku qaaday xerada ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire, waxaana kadib halkaas ka dhacay dagaal qaraar oo mar dambe lagu jabiyay ragga weerarka qaaday.

Ujeedka Al-Shabaab ayaa ahaa in weerarkaas ay ku furtaan saad tiro badan oo loogu talagalay ciidamada Xoogga dalka, kaas oo wax ka yar 24 saac yaallay xeradaasi.

Balse ciidamada Xoogga dalka ayaa jilibka u dhigtay kooxda, iskana difaacay weerarka, taas oo keentay in maalmo kadib uu askari kasta dalacsiiyay taliye Odawaa Yuusuf Raage.

Baahinta muuqaalkan ayaa kusoo aaday, xilli haatan Al-Shabaab laga qabsaday dhul ballaaran, kadib dagaallo culus oo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in weerarkii xarunta gobolka banaadir ee dhacay 22-kii January ee sanadka 2023 uu wax ka fuliyay nin Ajnabi ah oo u dhashay Kenya, waxaana ka horreeyay weerar kale oo 2-dii May ee sanadkii 2022 ka dhacay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/Dhexe kaas oo uu isna fuliyay nin kale oo Kenyaan ah, kana tirsanaa kooxda.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalama Ajaaniib kala duwan oo haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-qaata weerarada ay kooxda ka fuliso dalka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleFaahfaahin; Alshabaab iyo Daacish oo Dagaal Culus Ka Dhex Qarxay
Next articleDowlada Soomaaliya oo amar culus kusoo rogtay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka