Dhowr saacadood kaddib marki loo dhaariyay xilka madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka, ayuu madaxweyne Donald Trump xalay fiidkii saxiixay tobnaan wareegto madaxweyne oo kala duwan.
Qaarkood ayuu ku hor saxiixay ilaa 20,000 ka mmid ah taageerayaashiisa oo isugu tagay xalay garoonka kubadda koleyga ee Caiptal One Arena ee magaaladan Washington D.C.
Amarrada sharci ee uu illaa haatan saxiixay Trump ayaa kala ah;
1. Cafinta dhamaan dadkii ku eedaysnaa kiiskii 6-dii Janaayo ee rabshadii xarunta baarlamaanka sanadkii 2021-ka.
2. Ka bixitaanka xubinnimada hay’ada caalamiga ah ee caafimaadka aduunka (WHO).
3. Xiritaanka xuduudaha Koonfureed ee Mareykanka.
5. Joojinta aqoonsiga Mareykanka ee ay heli jireen caruurta ku dhasha dalka ee aan waalidkood sharciga ku joogin Mareykanka (Birth Citizenship). Tani ma saameynayso haddii waalidku sharci haysto, keliya waxay khusaysaa ilmaha ay dhalaan waalidka sharci darada ku jooga dalkaasi.
7. Mamnuucida dadka aan lahayn jinsiga asalka ah ee (lab iyo dhedig) ee kamid noqoshada milatariga iyo laalitaanka amarkii Biden ee u garbinayay luudka.
8. Joojinta hawlaha qaxootiga lagu keenayo Mareykanka.
9. Mukhalasiinta dadka tahriibiya iyo kooxaha daroogada soo galiya Mareykanka oo argagixiso shisheeyo loo aqoonsado.
10. Hirgalinta wasaarad cusub oo lagu magacaabo wasaaradda xaqiijinta shaqooyinka dowladda.
Tobankaan amar ee Trump soo saaray ayaa qeyb ka ah ku dhowaad 200 bayaan amar madaxwayne ah, kuwaas oo dhamaantood saamayn ku leh siyaasadda caalamka ee Mareykanka iyo tan gudahaba.