Home Wararka Maanta Akhriso:- Qodobada ugu adag ee Shirka ka furmay Muqdisho looga hadlayo maanta

Akhriso:- Qodobada ugu adag ee Shirka ka furmay Muqdisho looga hadlayo maanta

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir muhiim ah oo looga arrinsanayo doorashada xilligeedii dhaaftay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa imika dhammaantood ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo shalay waraysi siiyay BBC ayaa sheegay in aanu war u hayn kulanka maanta, inkastoo illaa iyo xalay ay socdeen dedaallo lagu xaqiijinayo in shirka uu maanta furmo.

Amniga shirka

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa walaac ka muujiyay ammaanka goobta uu shirk ka dhacayo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulahi Dani ayaa sheegay in dowladda ay meesha keentay ciidamo badan taasi oo uu shaki ka muujiyay.

Madaxwaynaha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubland ayaa tan iyo intii ay Muqdisho yimaadeen waxay ku sugnaayeen oo ay daganaayeen xerada Xalane.

Waxaa labada madaxwayne Dani iyo madaxwayne Axmed Madoobe labadaba la socday ciidamada gaarka ah ee ammaankooda ilaaliya.

Ammaanka xarunta lagu wado in uu shirk ka dhaco maanta ayaa waxaa imika damaanad qaaday ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u qabailsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in amniga shirka ay damaanad qaadayaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa damaanad qaadaya ammaanka xilliga u shirka socdo iyo ka dib-ba, ayuu bayaankiisa ku yiri Mr Madeira.

Cadaadiska beesha caalamka

Beesha caalamka ayaa tan iyo intii ay guldareysteen shirarkii horey loogu baaqay waxay waden dadaalo ay isugu soo dhaweynayaan dhinacyada kala irdheysan.

Wakiilada beesha caalamka ayaa waxay wadeen kulamo ay la qaadanayaan hogaamiyayaasha kala duwan ee Soomaalida.

Sidoo kale beesha caalamka waxay taageereen shirka uu ku baaqay madaxwayne Farmaajo ee maanta lagu wado in uu Muqdisho ka furmo.

Cadaadiska ugu wayn ayaa waxaa wada sida muuqata dowladda Mareykanka.

Bayaankii ugu dambeeyay ee ay safaardda Mareykanka ee Soomaaliya ays oo saartay ayaa waxaa madaxda loogu baaqay in ay shirka maanta furmaya xal ku gaaraan.

Bayaanka ayaa idoo kale lagu sheegay in shacabka Soomaaliya ay haatan doonayaan in la qabto doorashada.

Mareykanka wuxuu madaxda maamul goboleedyada ‘ku amray in Muqdisho ay ku sugnaadaan tan iyo inta laga heshiinayo hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

Qodobada xasaasiga ah

Shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhinacyada ka qeyb galaya ay isku khilaafsan yihiin arrimo badan.

Arrinta gobolka Gedo ayaa ka mid ah qodobada ugu adag ee lagu wado in ay ka wadahadlaan madaxda Soomaalida.

Qodobkan ayaa horey la isku mari waayay islamarkana sabab u noqday in natiijo la’aan ay ku soo dhamaadaan shirar hore oo la qabtay.

Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku adkeysanaya in maamulkiisa lagu soo wareejiyo gobolka Gedo si halkaasi ay doorasho uga dhacdo.

Waxaa uu sidoo kale madaxwaynaha Jubaland ku baaqayaa in dowladda federaalka ay ciidamada ay geysay gobolka Gedo ka soo saarto.

Dhanka dowladda fedraalka ayaa waxa ay ku adkeysanaysaa in ciidamada dowladda ay yihiin ciidamo qaran oo aysan gobolkaasi Gedo ka soo saari doonin.

Gobolka Gedo waxaa dhowr jeer dagaal ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland.

Qodobada kale ee muhiimka ah ayaa waxaa ka mid ah arrinta qaabka loo maamulayo iyo cidda maamulaysa doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo u jawaabtay Hadalka Madaxweynaha Puntland
Next articleQaramada Midoobay oo Dhawaan xarun ka Furanaysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug (Sawiro)