Agaasimihii hore ee Canshuuraha Berriga Muxudiin Xasan Jurus ayaa goordhow kasoo dagay garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa Xildhibaano, RW hore Cali Geedi, Saxaafadda iyo Saraakiil ciidan u diiday in ay garoonka kusoo dhaweeyaan, sidoo kale Agaasime Saabeey waxaa loo diiday in uu tago qeybta VIP-da garoonka.
Muxudiin Jurus Maxkamaddq Gobalka Banaadir ayaa dhowaan ku waysay dambi kadib markii lagu soo eedeeyay Musuq Maasuq. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore u sheegay in uu abaal marin doono qof kasta oo dambi lagu waayo ilaa hadana ma jirto qof shahaaho ama abaal marin la siiyay laakiin qaarkood ayaa la kulmaya cadaadis xataa haddii dambi lagu waayay.
Ad