Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimihii kumeel gaarka ee hay’adda dhowrista xogta, Maxamed Axmed Cali (Royal)
Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiir Maxamed Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay shaqo ka caryinta maareeyaha oo loo jeediyay eedeymo culus.
Maxamed Soomaali ayaa howlwadeennada kale ee hay’adda ku wargeliyay in shaqadii laga joojiyay maareeyahooda, laga bilaaabo 13 Novermber, 2024 oo shalay ku beegneyd.
Sababta ayaa waxaa wasiirku uu ku sheegay in agaasime Maxamed Axmed Royal uu diiday talooyin la xiriira mas’uuliyaddiisa oo lasiiyay iyo inuu gudan waayay shaqada hay’adda.
“Wuxuu fulin waayay talooyin badan oo ku saabsan toosin masuuliyadeed iyo gudashada waajibaadka hay’adda, islamarkaana uu ku kacay falal lagu curyaaminayo habsami u socodka hay’adda, kana baxsan hab-dhaqanka saraakiisha sarsare ee dowladda” ayaa lasii raaciyay.
Sidoo kale waxaa la faray maareeye ku xigeenka hay’adda dhowrista xogta, Mudane Daud Abdi Husein uu sii qabto xilkan, inta laga soo magacaabayo maareeyaha cusub.
“Haddaba waxaa la farayaa ku-xigeenka maareeyaha guud ee hay’adda Mudane Daud Abdi Husein inuu noqdo ku-simaha cusub ee maareeyaha guud ee hay’adda inta laga soo magacaabayo maareeyaha guud ee hay’adda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Tallaabada ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii ugu dambeeyay maareeyaha la eryay uu boggiisa baraha bulshada kusoo qorayay eedeymo ka dhan hoggaanka Villa Somalia.