Home Wararka Maanta Africa:Madaxweyne ku Dhawaaqay inuu Xukunka Ku wareejinaayo Wiilkiisa

Africa:Madaxweyne ku Dhawaaqay inuu Xukunka Ku wareejinaayo Wiilkiisa

0

Madaxweynaha dalka Komooros Asaali Cusmaani ayaa markii ugu horeysay si shaac ah u sheegay in uu damacsanyahay in uu awoodda ku wareejiyo wiilkiisa Nuur Al-fatxi marka uu jagada banneeyo 2029, taas oo soo afjaraysa cambaarayn iyo dhaleecaymo uu kala kulmayay bulshada oo ku aadanaa in uu damacsan yahay in uu wiilkiisa xukunka ku wareejinayo.

Cusmaani, oo dib u doorashadiisa sanad ka hor ay hareeyeen eedeymo ku saabsan musuqmaasuqa codbixiyayaasha, ayaa Al Fatxi u xil saaray isku xirka arrimaha dowladda, waxaana uu u oggolaaday inuu awood ku yeesho golaha wasiirrada.

Isaga oo tixraacaya marka la gaaro wakhtiga uu xukunka ka tagi doono, Cusmaani waxa Khamiistii hadal uu u jeediyay taageerayaasha jasiiradda Moheli ku yiri: “Waxaan wiilkayga u diyaarin doonaa si uu iigaga beddelo madaxtinimada gobolka iyo tan xisbiga.”

Xisbiga talada haya ee uu madaxda ka yahay Cusmaani ayaa bishan si lama filaan ah ugu guuleystey doorashadii baarlamaanka, inkastoo xisbiyada mucaaradku ay qaadaceen codbixinta ama ay diideen natiijada, iyagoo ku andacoonaya in la musuqmaasuqay.

“Hadalkan, wuxuu si rasmi ah u xaqiijinayaa oo kaliya wixii aan horay u ogeyn,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Daoudou, oo ah afhayeenka isbahaysiga mucaaradka.

“Laakin Cusmaani naftiisa ayuu khiyaameynayaa, dadka reer Komooros iyo siyaasiyiintu ma aqbali doonaan in lagu hayo awood daba-dheeraata ama boqortooyo gudaha Komooros,” ayuu Reuters u sheegay afhayeenka mucaaradka.

Ad
Previous articleNorway oo Xukun Adag ku Riday laba Gabdhood oo Soomaali ah
Next articleSoomaaliya: Rag ka Ganacsanaaya Hilibka Ugaarta oo Xabsi lagu guray