Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Afhayeenkii Xukuumada Soomaaliya oo asagoo Dhaawac ah Dalka Dib ugu Soo laabtay...

Afhayeenkii Xukuumada Soomaaliya oo asagoo Dhaawac ah Dalka Dib ugu Soo laabtay si U Xildhibaan u Noqdo

0

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahin Nuur Macalimuu ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay uu xaalado caafimaad ugu maqnaa wadanka Turkiga.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ku dhaawacmay qarax lagu weeraray gaari uu saarnaa bartamaha magaalada Muqdisho bartamihii bishii aynu ka soo gudubnay.

 

 

Afhayeenka ayaa garoonka diyaaradaha Aden Cade ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Soomaaliya,Saxaafada iyo asxaab kala gedisan.

“Waxaan u mahadcelinayaa xukuumada federalka gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya gargaarkii ay ii fidiyeen xilligii aan dhaawacmay haatana xaaladeydu ad ayay u wanaagsan tahay,”ayuu yiri Macalimuu.

Soo laabashada Afhayeenka xukuumada ayaa ku soo beegantay xilli lagu wado in dhawaan lagu qabto doorashada kursi uu hore u sheegay Macalimuu inuu isu soo sharaxo uuna kamid noqdo golaha shacabka.

Ad
Previous articleNin Muslim ah oo Markii Ugu Horaysay Garsoore ka Noqoday Dalka Israa’iil
Next articleMid kamid ah xeryaha AMISOM oo Gubtay iyo Qaraxyo Waawayn oo laga Maqlay