Home Wararka Maanta Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyada”Tareenkii muu dhaqaaqin wuu taagan yahay weli waa la...

Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyada”Tareenkii muu dhaqaaqin wuu taagan yahay weli waa la rarayaa”

0

 Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Cali Kaar oo u warramay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa ka hadlay qorshaha dowlada cusub, dhismaha xukuumadda iyo shaqo abuurka dhalinyarada

Kaar oo wareysigan intiisa badan uga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa sheegay in qorshaha shaqo abuurka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh la gaarsiin doono dalka oo dhan, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiri doono nin jecleyso ama kala doorasho.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday Madaxweynaha cusub, isaga oo meesha ka saaray eedeymaha culus ee loo jeediyey ee ku aadan magacaabida xilalka sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii xubnaha la magacaabay ay kasoo muuqdeen saaxibadii ku dhowaa Madaxweynaha.

Tareenkii muu dhaqaaqin wuu taagan yahay weli waa la rarayaa,” ayuu yiri afhayeenka cusub ee madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay dhiman tahay dhismaha xukuumadda oo ay ugu horreyso magacaabista ra’iisul wasaaraha, halkaasi oo uu tilmaamay inay ka jirto fursad muhiim ah.

“Ra’iisul wasaarihii weli lama magacaabin, xukuumaddii lama dhisin intaas marka ay dhacdo fursado badan ayaa abuurmi doono,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu afhayeenku beeniyey in dowladda cusub ay ku howlan tahay in ay howl-galiso dhalinyaro baraha bulshada ka difaaca Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay aflagaado ku tahay odeytinimada iyo dulqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waa been arrintaas ma jirto waxaana kuu sheegayaa arrintaasi waxay aflagaado ku tahay odeynimada akhiyaarnimada, dulqaadkii, dimuquraadiyaddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ololaha ku galay” ayuu markale yiri Mudane Cabdikariin Cali Kaar afhayeenka Villa Somalia.

 

 

 

Ad
Previous articleRuushka oo ka Dhawaajiyay Xiliga uu adeegsan Doono Hubka Nucliyeerka
Next articleCiidamada Ruushka oo Dagaal adag Kadib Qabsaday Magaalada Istaraatiijiga ah ee Lyman(Sawiro)