Home Wararka Caalamka Afhayeenka Ciidanka Israel oo si cad u sheegay inaan laga adkaan karin...

Afhayeenka Ciidanka Israel oo si cad u sheegay inaan laga adkaan karin Xamaas

0

Afhayeenka ciidanka Israa’iil, Daniel Hagari ayaa si la yaab leh u qirtay inaysan suuragal ahayn Israa’iil inay burburiso oo ay meesha ka saarto Xamaas.

Wuxuu ku sheegay hadalkan waraysi uu siiyay telefishinka Israa’iil ee Channel 13 “Xamaas waa fikrad, mana dhimato fikrada, waxayna ku jiraan quluubta Falastiiniyiinta, wayna nagu adagtahay in aan meesha ka saarno.” ayuu yiri

Wuxuu intaa ku daray, “Marna ma soo celin karno dhammaan dadka la afduubay annagoo adeegsanayna qaab ciidan, Qiimaha aan ku bixinay dagaalkan waa mid aad u sarreeya, marna ma aamusi karno.”

Hadalkan, markiiba wuxuu gilgilay Israa’iil iyadoo oo uu soo baxay Netanyahu oo sheegaya “Burburinta Xamaas waa hadafka dagaalka, Ciidamada Israa’iilna waxaa ka go’an inay gaaraan hadafkan.” ayuu yiri.

Wargeysyada iyo telefishinnada Israa’iil ayaa hadda ka dhigtay ciwaannada kore ee wararkooda soo shaac bixista khilaaf u dhaxeeya militariga iyo Netanyahu, tan oo sare u qaadaysa doodda Israa’iiliyiinta, gaar ahaan qoysaska maxaabiista oo sheegaya in Netanyahu uu dagaalkan u dheereynayo si indho la’aan ah, sababo u gaar ah oo uu ku doonayo inuu kursiga ku sii joogo.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo fallanqeeyaasha Israa’iil ayaa dhankooda soo bandhigay inay si cad u muuqanayso inuusan jirin qorshe ay Israa’iil ku guuleystan karto, hadalka afhayeenka militariga ayay ku sheegeen inuu soo dedejinayo ciidanka iyo dadweynaha inay ka daalaan dagaalka aan lahayn wax qorshe ah.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Dowlada Soomaaliya oo wax ka bedeshay qorshihii bixitaanka ciidanka ATMIS
Next articleCiidamada ATMIS oo Guud ahaan Baneeyey Saldhigyadoodii Jowhar(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here