Dowladda Afgaanistan, ayaa si adag uga jawaabtay hadallo hanjabaadyo ah oo kasoo yeerayay maalmihii lasoo dhaafay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.
Wasiirka Difaaca Afgaanistaan, Maxamed Yaqoob Mujahid , ayaa jawaab adag siiyay Madaxweyne Trump oo sheegay in tallaabo ka qaadi doonaan Afganistan , haddii aysan Afganistan ku wareejin xerada Bagram.
“Jawaabtayadu way cadahay, haddii aad joogi waydaan oo aad rabtaan inaad saldhigyo qaadataan, waxaan diyaar u nahay inaan idinla dagaalanno 20 sanno oo kale , oo ku dhammaanaysa mar kale inaad ka carartaan hubkiina.” Ayuu yiri Wasiir Yaqoob.
Dowladda Afganistan, ayaa la wareegtay saldhigii Mareykanka ka joogeen dalkaasi ee Bagram iyo qaar kamid ah hubkii ciidamada Mareykanka kaga tageen saldhigaasi.