Home Wararka Maanta Afar carruur ah oo ay ku xirantay tallaajad ay ku ciyaarayeen oo...

Afar carruur ah oo ay ku xirantay tallaajad ay ku ciyaarayeen oo geeriyooday

0

Booliska Namibia ayaa baaraya dhimashada afar caruur ah oo ku ciyaarayay talaajad faaruq ah oo ay dhex galeen kuna xirantahay.

Carruurtan oo da’doodu u dhaxayso saddex ilaa lix jir ayaa laga dhex helay talaajad la isticmaalay oo taal meel ay dadku ku badan yihiin oo ku taal magaalada Katima Mulilo galabnimadii Isniinta.

Booliisku waxay rumaysan yihiin in carruurtu ay si lama filaan ah ugu xirantay qaboojiyaha xilli ay ku ciyaarayeen, laakiin waxaa socda baaritaanno la xiriira dhacdada.

Afarta carruurta ah, ayaa labo ka mid ah ay ku neef qabatoobeen talaajad, halka labada kalena ay ku dhinteen isbitaalka iyadoo lagu daweynayo, sida ay sheegtay warbaahinta bulshada.

“Markii aan gudaha u galay, waxaan arkay kalkaaliyayaal caafimaad oo ku hawlan gabadheyda iyo gabar kale, waxay ula carareen isbitaalka, halka labadii kalena lasoo qaaday,” ayuu Aranges Shoro, oo ka mid ah aabbayaasha carruurta u sheegay wargeyska gaarka loo leeyahay ee The Namibia.

“Waxay ku xayirnaayeen saacad iyo bar, wayna neef-qabatoobeen.”

Ad
Previous articleIsrail oo Weerar Dunida ka Yaabiyay Ku Qaaday Xisbullaahi
Next articleDowlada Turkiga oo Soo Faragalisay Khilaafka Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya