Home Wararka Maanta Adan Madoobe oo la hadlay Shacabka Koonfur Galbeed kadib Qabsashada Ciidanka Dowlada

Adan Madoobe oo la hadlay Shacabka Koonfur Galbeed kadib Qabsashada Ciidanka Dowlada

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa si weyn u ammaanay ciidamada qalabka sida iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay howlgalka muhiimka ah ee dib loogu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa bogaadin u jeediyey Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishooda, isagoo xusay in howlgalkaasi uu yahay mid muujinaya dadaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo isku socodka dalka. Wuxuu tilmaamay in furitaanka waddadan uu yahay guul istiraatiiji ah oo wax badan ka tari doonta dhaqdhaqaaqa ganacsiga, isu socodka shacabka, iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ammaan u jeediyey ciidamada deegaanka ee ka howlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta la socotay howlgalka, kuwaas oo door weyn ka qaatay xaqiijinta amniga waddada iyo ka hortagga khataraha ay keeni karaan kooxaha nabad-diidka ah.

Isagoo sii hadlayey, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa hambalyo u diray shacabka magaalada Baydhabo, kuwaas oo si diirran u soo dhoweeyey ciidamada qaranka, taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa taageerada ay shacabka u hayaan dowladnimada iyo dadaallada lagu sugayo amniga.

Furitaanka waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ayaa la sheegay inuu muddo hakad ku jiray sababo la xiriira xaalado amni, hase yeeshee howlgaladan ugu dambeeyay ayaa suurageliyey in dib loo soo celiyo isku socodkii gaadiidka iyo ganacsiga, taas oo ah mid si toos ah u saameyn doonta nolosha dadka ku nool gobollada Koonfurta dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa carrabka ku adkeeyey in dowladdu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoreynayo deegaannada kale ee ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixisada, si loo helo amni waara, horumar dhaqaale, iyo isku xirnaan buuxda oo dalka oo dhan ah.

Ad