Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Abees) oo shalay magaalada Hargeysa lagu xiray ayaa maanta waxay Maxkamadda Degmada Hargeysa ku riday xukun lama filaan ah.
Xukunkan ayaa ah mid deg-deg ah oo aan la filayn xilligaan, maadaama oo inta badan eedaysanayaasha ay dacwadoodu qaadato muddo, islamarkaana baaristu ay dheeraato.
Xariga Abwaan Abees ayaa saacadihii lasoo dhaafay hadal-hayn xooggan ka abuuray baraha bulshada, kadib markii uu warbaahinta kasoo muuqday aabihii oo ku eedeeyay in uu ku noqday waalid caaq.
Dhinaca kale, Hooyada dhashay abwaanka oo iyadna warbaahinta kasoo muuqatay ayaa beenisay eedaha uu aabihii abwaanka u jeediyay.
Abees oo muddo dheer mucaarad ku ahaa xukuumadda Biixi, ayaa 2-dii bishaan soo bandhigay buug uu qoray oo la yiraahdo Mayal, kaasi oo uu ku dhaliilayo xukuumadda Somaliland iyo madaxweynaha uu waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Muuse Biixi Cabdi.